Kenyaanka oo loogu baaqay inay si taxaddar leh waddooyinka u isticmalaan

Iyadoo qeybo badan oo wadanka ka mid ah ay weli roobab culus ka da’ayaan ayaa shacabka lagu boorriyay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan marka ay waddooyinka kala duwan adeegsanayaan.
Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa digniintan ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Facebook-ga.
Sido kale waaxda ayaa shaaca ka qaadday in la filayo inay weli roobab xooggan ka sii da’aan ismaamullada Kericho, Kisii, Kisumu, Narok, Kitale, Mombasa, Malindi, Nairobi, Meru iyo Nyeri .
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo qaar ka mid ah Kenyaanka ay u safrayaan deegaannada ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan si ay eheladooda ula soo dabbaaldegaan ciidda Christmas iyo sannadka cusub ee 2020-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here