Kenyaanka oo loogu baaqay inay u diyaar garoobaan bandowga berri dhaqangalaya

Afhayeenka Dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa shacabka kula taliyay inay isku diyaariyaan u hoggaansanka bandowga lagu wado inuu berri ka dhaqangalo wadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inaan loo baahneyn in qofku uu sugo in saraakiisha ammaanka ay ku khasbaan inuu gurigiisa ku sugnaado saacadaha la shaaciyay.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa galinkii dambe ee shalay ku dhawaaqay in laga billaabo berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 27-ka bishan ,wadanka uu Bandow guud ka dhaqangalaya.
Waxaa uu bandowga jiraya inta u dhaxaysa 7-da fiidnimo ilaa iyo 5-ta aroornimo.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xaddido isku socodka dadweynaha si loo xakameeyo faafitaanka cuduruka Covid -19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here