Kenyaanka oo loogu baaqay inay xuska maalinka Madaraka Day kala socdaan guriyahooda

Xuskii ugu dambeeyay ee Madaraka day

Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Karanja Kibicho ayaa shacabka u sheegay in dabaaldegga la xiriira maalinka Madaraka Day ee sannadkan si toos ah looga baahin doono warbaahinta qeybaheeda kala duwan sidaas awgeedna dadweynaha laga doonayo inay guriyahooda ku sugnaadaan.
Maalinkan ayaa sannad kasta loo dabaal degaa 1-da bisha lixaad oo ku asteysan taarikhdii ay Kenya madax bannaanida ka qaadatay guumeystihii ingiriiska sannadkii 1963-dii.
Xuska Madaraka day ee sannadkan ayaa ku soo aadaya iyadoo dowladda ay mamnuucday isku imaatinka dadweynaha si loo xakameeyo faafitaanka caabuqa corona.
Dabaal degga oo uu hoggaamin doono madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa billaabanaya 8-da subaxnimo ee isniinta soo socoto.
Isku duwayaasha ammaanka ee gobollada dalka ayaa lagu wargeliyay inay xaqiijiyaan in dadweynaha aynan hal meel isugu imaan maalinkaas.
Shacabka ayaa khudbadda madaxweynaha iyo hadallada mas’uuliyiinya kale kala soconaya telefishinada, idaacadaha iyo baraha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here