Kenyaanka oo maanta shaqooyinka ka nasanaya

Maalmo ka hor ayay ahayd markii bayaan uu soo saaray wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi lagu sheegay in maanta ay tahay maalin fasax qaran ah.
Tallaabada ay wasaaraddu qaadday ayaa timid kaddib amar ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka .
Amarkaasi ayaa dib loogu soo celiyay xuska maalinka qaran ee Moi Day oo horay loogu dabbaaldegi jiray maanta oo kale balse sannadihii ugu dambeeyay aan la xusin.
Wasiirka ayaa sido kale go’aankiisa u cuskaday sharci baddel dhanka garsoorka oo la sameeyay sannadkii 2017-kii.
Markii dastuurka hadda wadanka laga isticmaalo la soo bandhigayay sannadkii 2010-kii ayaa meesha laga saaray xuska maalinka qaran ee Moi Day .
Hasa ahaate garsoore George Odunga oo ka mid ah xaakiinada maxkamadda sare ee dalka ayaa bishii 11-aad ee sannadkii 2017-kii go’aamiyay inay sharci darro tahay in 10-ka bisha Oktoobar aynan ka mid noqon maalmaha fasaxa qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here