Kenyaanka oo rajeynaya in madaxweynaha uu dabciyo xayiraadda dalka saran

Mr. Uhuru Kenyatta

Iyadoo maanta la filayo in madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu khudbad qaran jeediyo ayay qaar ka mid ah shacabka ku raja weynyihiin inuu qaadi doono bandowga habeenkii ee wadanka ka jiray tan iyo 27-kii bishii saddexaad ee sannadkan.
Sido kale waxay sheegayaan inay filayaan in Mr. Kenyatta uu soo afjaro amarkii uu ku mamnuucay in loo safro ama laga soo baxo ismaamullada Nairobi, Mombasa, Kwale, Kilifi iyo Mandera.
Tallaabooyinka ay horay dowladda ugu dhawaaqaday si loo xakameeyo faafitaanka cudurka coronavirus ayaa waxaa sido kale ka mid ah inaan la soo gelin lagana bixin xaafadaha islii iyo Old Town oo ka kala tirsan magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here