Kenyaanka oo soo dhaweeyay go’aankii shalay ee madaxweynaha dalka

Kenyaan badan ayaa soo dhaweeyay in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta uu waqtiyada bandowga ka dhigo 11-ka habeenimo.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa shalay waxaa uu wax ka badalay tallaabooyiinka lagu xakameenayo fayraska Corona asaga oo sheegay in haddii la rabo in dalka uu ka guulaysto cudurkan waxaa muhiim ah in la hela masuuliyad shakhsiyadeed.
Madaxweynaha ayaa ku kordhiyay bandowga habeenkii mudda 60 cisho ah, balse waxaa uu badalay wakhtiga oo uu ka dhigay 11-ka habeenimo ila 4-ta aroornimo laga bilaabo caawa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here