KEPSA oo sheegtay in COVID-19 uu xiray boqolkiiba 13 ee ganacsiyada

Ururka ay ku mideysan yihiin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee KEPSA ayaa darasaad uu sameeyay ku ogaaday in boqolkiina 13 ee ganacsiyada ay xirmeen cudurka COVID-19 awgii.
Cilmi baarista warbixintan laga soo saaray ayaa la sameeyay intii u dhexeysay bilihii sagalaad iyo tobnaad ee sannadkan.
Waxaa sahankan su’aalo lagu weydiiyay 428 qof oo qayb ka ah waaxyaha kala duwan ee wax soo saarka.
Saameynta ugu badan ee cudurka waxay soo gaartay ganacsiyada la xiriira dalxiiska iyo tacliinta sida laga soo xigtay KEPSA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here