Khabiir ka tirsan qaramada midoobay oo sheegay in weli saboolnimo ay ka jirta Malaysia

Khabiir jimciyadda qurumaha ka dhexeysa u qaabilsan arrimaha xuquuqul aadanaha iyo la tacaalidda saboolnimada oo lagu magacaabo,Philip Alston ayaa sheegay in heerka saboolnimo ee wadanka Malaysia uu weli sarreeyo in kastoo dowladda dalkaasi ay sheegtay inuu aad u hooseeyo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tirooyin la soo saaray ay yihiin kuwo aan sax ahayn.
Mas’uulkan ayaa xusay in sheegashada dowladda Malaysia ee ah in heerka saboolnimada oo sannadkii 1979-kii lagu tilmaamay boqolkiiba 49 uu 2016-kii noqday boqolkiba 0.4 ay tahay mid aan ka turjumeyn xaaladda dhabta ah.
Hay’ado madax bannaan ayaa qiimeyn ay sameyeen ku sheegay in heerka saboolnimo ee Malaysia uu haatan marayo boqolkiiba 15.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here