Khadka Internet-ka Somalia oo dib u soo laabtay

Waxaa saacado ka hor dib u soo laabtay Internet-ka oo Soomaaliya inteeda badan ka maqnaa ka badan 24 Saacadood.
Ma cadda sababta ka dambeysay inuu go’o xarigaasi, balse waxaa jira warar sheegaya in markab ganacsi uu jaray,waxaana jirtay hadal-heyn ku saabaneyd in arrimo siyaasadeed ay dowladda Soomaaliya u joojisay,balse Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta uu beeniyay Warkaas.
Qaar kamid ah Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Internet-ka uu muhiim ugu yahay waxyaabo badan,sida Waxbarashada, Shaqooyinka Gaarka ah iyo arrimo badan,isla markaana intii uu maqnaa ay siweyn u dareemeen.
Wasiirka boostadda iyo isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa ku tilmaamay dhacdadan “Musiibo wayn ,oo Soomaaliya ka soo gaartay ilaa iyo hadda khasaaro dhan in ka badan 130 milyan oo doolar”.
Waxa uu sheegay in xarkaha ama fiilooyiinka la hagaajiyay islamarkana ay adeegyada dib u soo laaban doonaan isbuucan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here