Khadka Tareenada ee u Dhaxeeya Nairobi iyo Naivasha oo Barri Xariga Laga Jarayo

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta  ayaa  berri oo Arbaco ah  la filayaa inuu  si  rasmi ah    xariga  uga jaro    wajiga  labaad ee  marinka  casriga ee tareenada ee SGR-ka.

Mashruucan ayaa   dhismihiisu  gacanta lagu hayay  muddo saddex sano ah.

Khadkan oo isku xiri doono magaalooyinka  Nairobi iyo  Naivasha  ayaa waxaa adeegsan doono rakaab iyo in sido kale lagu daabulo xamuulka  noocyadiisa kala duwan.

Hoggaamiyaha dalka  ayuu sido kale qorshuhu yahay inuu dhagax dhigo  dhismaha   mashruuca waddada  la casriyeeynayo  ee   Mombasa Road  iyo midda weyn ee   Nakuru  taasi  oo  dowladda ay ku bixinayso qarash  lacageed oo dhan  50 bilyan oo shilin.

Khadka   tareenada ee  Nairobi ilaa  Naivasha ayaa la dhisayay  tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii  2016-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here