Khamiista oo la go’aamin doono codsi uu maxkamadda geeyay guddoomiyaha Kiambu

Maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegtay inay maalinka khamiista ee toddobaadkan go’aan ka soo saari doonto codsi uga yimid barasaabka ismaamulka Kiambu Mr. Ferdinand Waititu oo dhawaan lagu eedeyay musuqmaasuq.
Go’aanka maxkamadda laga sugayo ayaa ah in guddoomiyaha loo oggolaan doono inuu xafiiskiisa ka howlgalayo iyo in kale.
Mr.Waititu ayaa ka soo horjeestay amar maxkamadeed oo ka mamnuucay inuu tago xafiiskiisa rasmiga ah ee uu bulshada ugu adeegayay ilaa iyo inta laga soo gabagabeynayo dhageysiga dacwad ku aaddan bixinta qandaraas muran dhaliyay oo lagu qarash geliyay ugu yaraan 588 milyan oo shilin.
Garsoore Ngenye Macharia ayaa sido kale sheegay in khamiista uu go’aamin doono in wax laga beddeli karo lacagta damiinka ah ee lagu siidaayay Waititu iyo 11 eedeysanayaal kale.
Arrintan ayaa timid kaddib markii qareenada Nelson Havi iyo Tom Ojienda oo barasaabka u doodaya ay ka soo horjeesteen amarkii soo baxay jimcihii.
Mr.Waititu ayaa hadda bannaanka ku joogo damiin lacageed oo dhan 15 milyan taasi oo qareenada matalaya ay sheegayaan inay tahay mid aad u badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here