Khasaaraha ka dhashay dabeyl xooggan oo Shiinaha ku dhufatay oo sii kordhay

60

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ku dhintay dalka Shiinaha oo ay saameysay dabeysha xooggan ee loo yaqaano Lekima.
Musiibadan ayaa laga soo tabiyay bariga wadankaasi waxaana ilaa iyo hadda ay noloshoodu galaafatay 44 ruux.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhabeyshan iyo roobab daadad watay oo ka sii horreeyay ay Shiinaha ku keeneen khasaaro hantiyeed oo lagu qiyaasay balaayiin doolar.
Shalay ayaya ahayd markii warbaahinta dowladda Shiinaha ay tirada dhimasho ku sheegeen 32 ka hor inta aynan sii kordhin waxaana ilaa iyo hadda la la’yahay 16 qof

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here