Khasaaraha ka dhashay dibadbaxii India oo sii kordhay

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha ka dhashay mudaaharaadkii shalay ka dhacay magaalada New Delhi ee dalka India .
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 7 qof halka dhaawaca uu gaaray qiyaastii 150 qof.
Anil Mittal oo ka mid ah booliska magaaladaas ayaa warbaahinta u sheegay in toddobada qof ee dhintay uu ku jiro askari.
Iskudhacyada ayaa dhexmaray kumannaan qof oo ka soo horjeedo sharciga muranka dhaliyay ee la xiriira jinsiyadda iyo kuwa taageersan.
Booliska oo ay dantu ku qasabtay inay adeegsadaan sunta dadka ka ilimeysiisa si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha ayaa sido kale lagu eedeyay inay isticmaaleen rasaas dhaawac iyo dhimasho sababtay.
Sarkaal sare oo ka mid ah howlwadeenada caafimaadka ayaa horay wakaaladda wararka ee Reuters ugu sheegay inay dhaawacmeen 90 qof ka hor inta aynan tiradaas sii kordhin.
Dr Rajesh Kalra oo ah madaxa isbitaalka Guru Teg Bahadur ayaa laga soo xigtay in dhaawaca qaar ay ahaayeen kuwo la toogtay.
Waxaa uu xeerka dadka qaar ay taageerayaan kuwo kalena ka soo horjeedaan dhigayaa in jinsiyadda India la siin karo shakhsiyaadka diin ahaan laga tira badan yahay ee ku nool wadamada xukuumadda New Delhi dariska la ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here