Khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay dalka Afghanistan oo sii kordhay

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha ka dhashay qaraxii saaka laga gaystay meel u dhow jaamacad ku taalla wadanka Afghanistan.
Ilaa iyo hadda ugu yaraan 8 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen halka tirada dhaawaca ay tahay 33 qof.
Saraakiisha ammaanka ee dalkaasi ayaa laga soo xigtay in weerarkaasi uu ka dhacay afaafka hore ee iridda laga galo jaamacadda magaalada Kabul.
Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Afghanistan Waaxid Mayar ayaa dhacdadan warbaahinta u xaqiijiyay.
Mid ka mid ah ardayda jaamacaddaasi wax ka dhigata ayaa sheegay in qaraxu uu dhacay xilli qaarkood ay imtixaan isku diyaarinayeen.
Waxaa uu qaraxu sido kale burburiyay laba baabuur ah oo gubatay.
Hasa ahaate ilaa iyo hadda ma cadda inuu fuliyay qof isa soo miidaamiyay ama ay ahayd bambo meel fog laga hagayay oo qaraxday.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkaasi.
Afhayeenka ciidamada booliska ee magaalada Kabul ,Faramarz Firdaw ayaa dhankiisa xusay inay burburiyeen bambo kale oo la dhigay meel aan sidaasi uga fogeyn iridda weyn ee xaruntaasi waxbarasho.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa maalmo un kaddib markii magaalada Dhooxa ee dalka Qatar lagu qabtay wada hadalo u dhexeyay dowladda Afghanistan iyo kooxda Taalibaan ee ka soo horjeedda.
Waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in la damaana qaado xaqiijinta amniga xarumaha dadweynaha sida goobaha waxbarasho, xarumaha diimeed, isbitaalada iyo suuqyada si loo yareeyo khasaaraha nafeed ee rayidka soo gaaro.
8-dii bishan Toddobaad ayay ahayd markii dagaalyahaanada kooxda Taalibaan ay bambo ku qarxiyeen meel u dhow xafiisyada waaxda sirdoonka ee Afghanistan halkaasi oo ay ku dhinteen 8 sarkaal iyo 6 qof oo shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here