Khilaaf maamul dhisid oo ka taagan degmada Buulo Burde.

Maalin ka hor ayaa waxaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle uu Guddoomiye Cusub u Magacaabey degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan,hayeeshee waxaa Magacaabistaas ka horyimid Odayaasha & waxgaradka Magaaladaas Ku nool.
Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Buulo Burde ayaa sheegay in Madaxda Sare ee maamulka Hir-Shabeelle ay khilaaf ka dhex abuurayaan Bulshada Buulo Burde sida ay hadalkooda u dhigeen,hayeeshee aysan ka aqbaleyn.
Waxaa ay sheegeen in Madaxda Hir-Shabeelle ay horay ugu heshiiyeen in Gole deegaan loo sameeyo degmada Buulo Burde,balse taasi ay ka baxeen,waxaana ay sheegeen inaysan ogolaaneyn in degmada uu ka Shaqeeyo Maamul la soo Magacaabo.

Maamulada dgemooyinka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa inta badan ka dhaca is qabqabsi dhinaca Maamulka ah,waxaana xusid mudan in dhamaan Madaxda ugu sareysa Maamulka Hir-Shabeelle ay haatan ku sugan yihiin Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo dadka ku nool ay dhibaato ka soo gaadhay fatahaadaha Wabiga shabeelle oo gobolka hiiraan ka sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here