Khilaaf soo galay dhex-galay Maamulka Jubbaland iyo Culimada dawlad goboleedkaasi

Mas’uulyiinta Culumada Ahlu-Suna Waljamaca ee magaalada Kismaayo ayaa ka cabanaya xadgudub ay sheegeen in Wasaaradda Cadaaladda Maamulka Jubaland ay ku hayso masaajidyada iyo xarumaha diinta lagu barto ee ay gacanta ku hayaan.
Cabashadan ayaa ku aadan dhowr Masaajid oo ay maamuli jireen Ahlu-Sunna oo, sida ay kooxdan ay sheegtay, ay wasaaradda u ballanqaaday dayactir balse kadib ay ku wareejisay dhinacyo kale.
Masajiidka Khudbiga jabarti oo ku yaalla Xaafada Dalcadda iyo Masaajidka Alraxma oo ku yaalla Xaafada Shaqaalaha ee Magaalada Kismaayo ayaa ka mid ah masaajidada uu khilaafka ka taagan yahay.
Macalin Barre oo kamid ah Culimada ka cabaneysa Wasaaradda Cadaallada Jubbaland ayaa sheegay in Wasiirka oo awoodiisa adeegsanaya uu Masaajida ku wareejiyay Xubno kamid ah Madaxda Wasaaradda.
Dhanka kale Agaasimaha Wasaaradda Cadaaladda Jubbaland Cabdulalahi Maxamuud Ibraahim ayaa xusay in ka wasaarad ahaan aysan ogeyn hadalka kasoo yeeray Culimada Ahlusunna ee ah inay dhibaateeyeen,waxaana uu sheegay inay Culimada ay gacanta ku hayaan Masaajida iyo Goobaha Diinta lagu barto ee Magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here