Khuburada caafimaadka ee Maraykanka oo rumeysan in kiisaska corona ay yihiin 20 milyan

Qaar ka mid ah khuburada caafimaadka ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in ilaa 20 milyan oo qof uu haleelay fayraska corona.
Tiradan ayaa ah ku dhawaad toban jibaar midda ilaa iyo hadda la diiwaangeliyay ee 2.3 milyan.
Guud ahaan caalamka waxaa uu cudurka COVID-19 ku dhacay in ka badan 9.6 milyan oo qof.
Waxaa cudurka ka caafimaaday ku dhawaad 4.8 milyan halka in ka badan 489,000 kalena ay u dhinteen sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University oo si dhow ula socoto xaaladaha ku soo kordhaya caabuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here