Khuburo loo diray halkii ay shalay ku dhacday Diyaarada African

Dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa Maanta waxay khuburo dhanka Baaritaanada ah u dirtay degmada Bardaale ee gobolka Bay halkaasoo shalay ay ku dhacday Diyaarad Shixnado dawo ah siday.
Wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa Maanta waxay Xaqiijisay inay Magaalada Bardaale ee gobolka Bay u dirtay Khuburo dhanka Baaritaanada ah si wax badan looga ogaado diyaaradii African Express ee Isniintii shalay ahayd ku dhacday agagaarka Garoonka diyaaradaha ee degmada Bardaale.
Wasaaradu waxay sheegtay in baaritaanka Khuburada waxa ka soo baxa ay bulshada Soomaaliyeed ula wadaagi doonaan sida ugu dhaqsiyha badan ayagoo dadkii diyaaradaas ku dhintay Tacsi u diray.
Diyaarad ay lahayd shirkada African Express ee shalay bardaale ku dhacday waxay siday Shixnado daawooyin ah waxaana ku dhintay dhamaan dadkii saarnaa oo 6 qof gaarayay kuwaasoo isugu jiray Muwaadiniin Soomaali ah iyo kuwa Ajanabi ah.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay diyaaradu soo dhacday kadib Markii Gantaal lagu dhufat wallow dowlada Soomaaliya aysan arintaas ka hadlin ayana sheegtay in waxkasta soo bixidoonaan kadib Baaritaanka Khuburada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here