Kiis lala xiriirinaya coronavirus oo laga soo tabiyay Mombasa

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ayaa sheegaya in halkaas lagu arkay kiis looga shakiyay inuu yahay caabuqa Corona ee saameeyay dalka Shiinaha.
Gabadh ardayad ah ayaa lagu soo warramayaa in la dhigay isbitaalka weyn ee Coast General Hospital.
Waxay wax ka dhigataa jaamacadda Southern Medical University ee magaalada Guangzhou.
Maalinkii khamiista ee la soo dhaafay ayay dalka timid.
Sarkaalka ugu sarreeya ee wasaaradda caafimaadka ee ismaamulka Mombasa Khadija Shikely ayaa sheegtay in gabadha la geeyay qol gaar ah.
Waxay intaas ku dartay in baaritaano lagu sameeyay loo soo diray Nairobi si qiimeyn loogu sameeyo.
Sido kale Mrs. Khadija ayaa xustay in gabadha la qabtay iyadoo ku sugan Shiinaha waxayna ka sheeganaysay dhanka xawadka iyo dhibaato la xiriirta neefsashada.
Gabadhan oo da’deedu tahay 22 sano ayaa dhalasho ahaan ka soo jeedda deegaanka Likoni ee Mombasa.
Tani ayaa ku soo aadaysa maalmo un kaddib markii arday kale oo Kenyaan ah oo ka soo laabtay Shiinaha lagu karantiilay isbitaalka qaran ee Kenyatta in kastoo markii dambe la xaqiijiyay inuunan caabuqa Corona qabin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here