Kiis looga shakiyay cudurka Ebola oo laga soo sheegayo Kericho

Saraakiisha caafimaadka ee ismaamulka Kericho ayaa heegan sare la geliyay kaddib markii qof xanuunsan lagu arkay cudur looga shakiyay caabuqa Ebola ee dhawaan 2 qof ay ku dhinteen Uganda.
Qofka bukaanka ah ayaa hadda lagu dabiibaya isbitaalka weyn ee Kericho.
Haweeneydan ayay howlwadeenada caafimaadka sheegeen inay ka soo safartay magaalada Malaba, oo xigta dhanka xadka ay wadagaan wadamada dariska ah ee Kenya iyo Uganda.
Bukaanka oo aan weli magaceedu la shaacin ayaa isbitaalka la geeyay galinkii dambe ee shalay ka hor inta aan meel gaar ah la seexin.
Dowladda ismaamulka Kericho ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay sameynayso wax waliba oo karaankeeda ah si dadka kale looga ilaaliyo inay u tagaan ama la macaamilaan qofkaasi looga shakiyay inuu soo ritay cudurka Ebola.
Kenya weli lagama soo tabin kiis la xariira cudurkan in kastoo dhacdada la soo sheegayo aan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo xaqiijin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here