Kiisas cusub oo ah COVID-19 oo laga diiwaan geliyay Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad goboleedka Puntland ayaa shaacisay kiisas Cusub oo Cudurka COVID-19 ah, ka dib baaritaano la sameyay maalmihii la soo dhaafay.
War kasoo baxay Wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray 108 Ruux, 21-kii iyo 22 bishan, isla markaana xanuunka Covid19 laga helay 14 qof oo ka mid ah dadkaasi
Dadka xanuunka laga helay ayaa la sheegay inay dhamaantood joogaan Magaalada Garoowe, waxaana 14 qof ee xanuunka laga helay ay da’doodu u dhaxaysaa 20 sano jir ilaa 73 jir.
Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay degaannada Puntland ee shaybaaradu xaqiijiyeen ayaa hada gaartay 499 qof waxaa u dhintay 9 qof waxaa ka bogsaday 230 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here