Kiisas hor leh Corona Virus oo Kenya laga diiwangaliyay

Ka dib markii madaxweynaha dalka mudane Uhuru Kenyaatta u maanta fududeeyay xayiraadihii dalka saarnaa isagoona soo rogay sharuudo adag ee ku saabsan Corona Virus ayaa wasaaradda caafimaadka ee dalka waxaa ay diiwangalisay kiisas ka dhan ah COVID 19 kuwaas oo gaaraya 181.
24-kii saacadood ee la soo dhaafay waxaa baaritaano lagu sameeyay dad gaaraya 2,131 qof.
Tirade guud dadka uu ku dhacay caabuqan waxaa ay Kenya gaartay 8,067
Ismamaulada laga diiwangaliyay kiisaska cusub waxaa ka mid ah Nairobi oo hogaaminaysa 134 xaaladood ayaa laga xaqiijiyay
Kiambu 19,
Mombasa 9,
Kajiado 6,
Machakos 6,
Lamu 3,
Murang’a 2,
Uasin Gishu 1, and
Kirinyaga 1.
127 ruux ayaa isbitaalada laga saaray kuwaas oo ka cafaimaaday xanuunkan bogsashada guud waxaa ay maraysa 2,414.
Dhanka dhimashada (4) qof oo dheeraad ah ayaa maanta Corona dalka ugu geeriyooday dhimashada guud waxaa ay gaartay 164.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here