Kiisaska corona ee caalamka oo ka batay 18 milyan

Kiisaska corona ee caalamka oo ka batay 18 milyan
Xaaladaha caabuqa corona ee dunida ayaa kor u dhaafay 18 milyan.
In ka badan 11 milyan ayaa ilaa iyo hadda ka caafimaaday cudurka sii faafaya ee COVID19.
Sido kale waxaa u dhintay ku dhawaad 690,000 qof sida laga soo xigtay jaamacadda John Hopkins University.
Dhanka kale dowladda Maraykanka ayaa diiwaangelisay ugu yaraan 45,688 oo ah kiisaska hor leh ee fayraska corona tani oo tirada guud ka dhigtay 4.68 milyan.
24-kii saacadood ee ugu dambeeyay waxaa halkaas laga xaqiijiyay 420 oo dhimasho dheeraad ah.
Dhimashada oo maalin ka hor ahayd 154,923 ayaa hadda gaartay 155,343.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here