Kiisaska corona ee dalka oo dhaafay 25,000

Kiisaska ‘COVID-19’ ee dalkani Kenya ayaa kor u dhaafay 25,000-ka dib markii la xaqiijiyay 727 xaaladood oo cusub oo la
Tirada guud ayaa hadda ah 25,138.
Wasiirka caafimaadka Mutahi Kagwe oo ka hadlayay ismaamulka Kisii ayaa sheegay in 711 qof ay yihiin muwaadinin Kenyaan ah halka 16 ay ahayeen ajaanib.
Mr. Kagwe, oo ku dhawaaqday in 727-da kiis ay ka kooban yihiin 539 rag ah iyo 188 dumar ah, ayuu ragga ugu baaqay inay ka feejignaadaan cudurka ayna muujiyaan u hoggaansamida awaamiirta dowladda.
Wasiirka ayaa xusay in cudurka ay ka caafimaadeen 674 bukaan waxayna bogsashada guud gaartay 11,118.
14 qof oo dheeraad Ah ayaa u geeriyooday xanuunka waxayna wadarta guud ee dhimashada ka dhigtay 413.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here