Kiisaska Corona Virus Kenya oo gaartay 12 kun

Maanta Kenya waxaa laga diiwangaliyay kiisas dhan 389 ee cudurka Corona Virus ka dib markii 24-kii saacadood ee la soo dhaafay baaritaano lagu sameeyay dheecaan dhan 3,545.
Kiisaska guud ee hadda COVID-19 waxaa ay dalka gaartay 12,062.
Waxaana sii kordhaysaa dadka ka caafimaadaya xanuunkan iyadoo maanta isbitaalada laga saaray 345.
Bogsashada guud waxaa ay maraysa 3,983.
Dhimashada guud ee caabuqan sare ayay u socota waxaa ayna gaartay 222 ka dib markii ay 5 qof dheeraad ah maanta u geeriyoodeen Fyruskan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here