Kiisaska Corona Virus Kenya oo gaartay in ka badan 15 kun

Kenya ayaa diiwangalisay tiradii ugu badneyd ee cudurka faafa Corona Viris waxaana 24-kii saac ee la soo dhaafay dalka laga helay kiisas dhan 796.
Tan ayaa tirade guud ee xanunkaan dalka ka dhigaysa 15, 601.
Kiisaskan aad u badan ayaa la helay ka dib markii baaritaan caafimaad lagu sameeyay dad gaaraya 6,745 .
Xog.hayaha u qaabilsan maamulka caafimaadka ee dalka Mercy Mwangangi oo kenyaanka ugu warbixisay xaaladihi ugu dambeeyay COVID-19 ayaa sheegtay in 378 ruux ay ka soo kabsadeen fyruuska taas oo bogsashada guud ka dhigtay 7,135.
3 qof oo dheeraad ah ayaa u geeriyooday maanta taas oo dhimashada guud ka dhigtay 263.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here