Kiisaska Corona Virus Kenya oo hoos u sii dhacaya

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dalka Mutahi kagwe oo maanta gudoomiyay shirka maalin laha ah ee looga warbixiyo Kenyaanka xaaladihii ugu dameeyay Corona Virus ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay baaritaan cafaimaad lagu sameeyay dad gaaraya 4, 260 iyadoona cudurka Corona Virus laga helay 144 qof taas oo tirada kiisaska guud dalka ka dhigaysa 34, 201.
Ismamaulada laga diiwangaliyay xaaladaha maanta waxaa ka mid ah Nairobi oo laga xaqiijiyay 77, Mombasa 18, Kiambu 9,Kisumu 6, Kajiado 6, Machakos 5, Narok 5, Turkana 5, Nakuru 4, Nandi 2, Laikipia 1, Meru 1, Siaya 1, Isiolo 1, Kilifi 1, Homabay 1 and Tranzoia 1
Maanta 205 ruux ayaa la xaqiijiyay inay fyruska ka soo kabsadeen taas oo bogsashada guud ka dhigaysa 19,893 .
Dadka xanuunkan ka caafimaaday 122 ka mid ah waxaa daryeel caafimaad lagu siiyay gurika halka 83 kalena ay daryeel ku heleen isbitaalada.
3 qof oo dheeraad ah ayaa COVID19 dalka ugu geeriyooday taas oo dhimashada guud gaarsiisay 577.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here