Kiisaska Corona Virus Kenya oo ku dhaw 30 kun

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa Jimcaha maanta shaacisay 580 kiis oo dheeraad ah oo la xariirta fyruska Covid 19 ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dheecaan dhan 5,458 24-kii saac ee la soo dhaafay .
Tirade guud kiisaska Corona Virus Kenya waxay maraysa 29,334.
Xoghayaha Maamulka caafimaadka u qaabilsan dalka Mercy Mwangangi ayaa sheegtay manata in 5 qof oo dheeraad ay xanuunkan u geeriyoodeen dalka taa soo dhimashada guud ka dhigaysa 465.
Waxaana caafimaaday 198 qof oo hor leh taas oo bogsadhada guud ee caabuqan ka dhigaysa 15,298.
Boqolkiba 60 dadka ka soo kabsanaya furuskan Kenya waxay daryeel caafimaad ku helayaan guriyaha.
Bukaanka ugu da’yara manata Corona dalka laga helay waa 1 sano jir waxaa u weyn 92.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here