Kiisaska Corona Virus Kenya oo sii yaraanaya

Maalintii seddaxaad ayaa waxaa dalkani kenyaa laga xaqiijinaya wax ka yar 300 kiisaska Corona Virus taas oo raja galinaysa dalka in cudurkan laga guulaysto.
Laga soo bilaabo axadii waxaa dalka laga diiwangaliyay 271,isniinta 245 maantana waxaa laga helay 271 taas oo muujinaysa in caabuqan uu hoos u sii dhacayo.
Sido kale waxaa sii badanaya bukaanada ka soo kabsanaya Covid-19 ee dalka taa soo hadda gaartay in ka caafimaaday 17,368.
Wasaaradda cafaimaadka ee dalka ayaa kenyaanka ugu baaqday inay sii wadaan ka hortaga faafitaanka xanuunkan oo ayna ku dadaalaan talaabooyiinka loo soo saaray sida in la xirto af xirka ama maaskarada,sido kalena la nadiifiyo gacmaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here