Kiisaska Corona Virus oo Kenya ku dhaw 27 kun

Xaaladaha Corona Virus Kenya ayaa gaartay 26,928 ka dib markii maanta la diiwangaliyay 492 kiis oo dheeraad ah sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe.
Kiisaska maanta ayaa la xaqiijiyay markii baaritaano lagu sameeyay dheecaan dhan 4,603 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa kiisaskan maanta ka shaaciyay isaga oo ku sugnaa ismaamulka Kericho.
Wxaa uuna sheegay Mr Kagwe in 3 qof oo dheeraad ah ay u geeriyoodeen caabuqan taas oo dhimashada guud ka dhigaysa 423.
Waxaana ka caafimaaday xanuunkan saacadihii la soo dhaafay 534 , , 478 ka mid ah waxaa ay daryeel caafimaad ku heleen guriga halka 52 ay ka soo kabsadeen fyruskan iyaga oo ku sugnaa isbitaalada.
Bogsashada guud hadda waxay maraysa 13,495 taas oo kor u kacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here