Kiisaska Coronavirus ee Afrika oo ka batay 115,000

Afrika CDC

Xarunta qaaradda Afrika u qaabilsan ka hor tagga iyo xakameynta cudurada ayaa sheegtay in kiisaska cudurka Covid-19 ee laga soo tabiyay gudaha wadamada kala duwan ay kor u dhaafeen 115,616.
Waxaa cudurka u dhintay 3,479 qof halka gudaha qaaradda ay kaga bogsadeen 46,630.
Wadamada uu saameynta ugu badan ku yeeshay ayaa kala ah Koonfur Afrika oo laga xaqiijiyay xaalado dhan 23,615 , Masar waxay kiisaska gaareen 17,967, Algeria waa 8,503 ,Nigeria 8,063 iyo Morocco oo laga diiwaangeliyay 7,556 xaaladood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here