Kiisaska coronavirus ee caalamka oo dhaafay 13 milyan

Xaaladaha fayraska corona ee caalamka ayaa ka sare maray 13 milyan sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins .
Waxaa cudurka COVID19 dunida oo dhan ugu dhintay 572,000 oo qof.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay ka digayso inay xaaladda sii xumaan karto.
Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom ayaa isagoo ku sugan magaalada Geneva ee dalka Switzerland sheegay in wadamada caalamka laga doonayo inay xaqiijiyaan u hoggaansanka talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafitaanka cudurka.
Waxaa uu ku baaqay in cudurka COVID19 loo arko cadowga ugu horeeya ee dadweynaha.
Kiisaska ugu badan ee dhimasho ee ka dhashay cudurka COVID19 ayaa laga diiwaangeliyay wadamada Maraykanka , Brazil, Ingiriiska ,Mexico iyo Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here