Kiisaska coronavirus ee dalka oo dhaafay 6,000

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa galabta shaacisay xaalado hor leh oo gaaraya 259 oo ah kuwa cudurka COVID19 kaddib baaritaano lagu sameeyay dheecaan dhan 2,718.
Tan iyo bishii saddexaad ee sannadkan waxaa la baaray 165,196 oo dheecaan ah.
Tirada guud ee kiisaska cudurka COVID19 gudaha wadanka Kenya waxay hadda tahay 6,070.
Dadka ugu dambeeyay ee uu cudurka soo ritay waxay isugu jiraan 256 Kenyaan iyo saddex ajaaniib ah.
Marka la eego dhanka jinsiyadda 159 ayaa lab ah halka 100 ay dheddig yihiin.
Waxay da’dooda u dhaxaysaa canuga 8 bilood dhallan iyo qof 92 sano jir ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here