Kiisaska coronavirus ee India oo gaaray 6.7 milyan

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa shaacisay in tirada guud ee xaaladaha fayraska corona ay tahay 6.76 milyan.
Tani ayaa timid kaddib markii 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay gudaha wadankaas laga diiwaangeliyay kiisas cusub oo ah 72,049.
Waxaa sido kale cudurka COVID19 gudaha India ugu dhimatay 986 qof waxayna hadda dhimashada guud tahay 104,555.
Toddobaadkii hore ayay dowladda India fududeysay xayiraadaha qaar iyadoo dib loo furay dugsiyada iyo goobaha aflaanta laga daawado.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here