Kiisaska coronavirus ee India oo hal milyan dhaafay

Xaaladaha caabuqa corona ee laga diiwaangeliyay wadanka India ayaa kor u dhaafay hal milyan.
Waa wadanka saddexaad ee caalamka ugu kiisaska badan marka laga soo tago Maraykanka iyo Brazil.
Qaramada midoobay gaar ahaan waaxda qaabilsan gurmadka waxay sheegtay inuu weli hooseeyo gargaarka loo fidiyay wadamada saboolka ah xilligan uu jiro cudurka COVID19.
20-ka wadan ee dunida ugu dhaqaalaha badan ee G20 ayay jimciyadda qurumaha ka dhexeysa kula talisay inay laba jibaraan dadaaladooda dhanka gargaarka.
Hong Kong waxaa laga xaqiijiyay 50 ah xaalado cusub oo coronavirus kuwaasoo si maxalli ah la isugu gudbiyay.
24-kii saacadood ee ugu dambeeyay waxaa halkaas laga diiwaangeliyay 58 xaaladood oo cusub.
Tirada guud ee kiisaska COVID19 ee Hong Kong ayaa tan iyo bishii koowaad ee sannadkan ah 1,714 halka dhimashadu ay tahay 10.
Dalka Indonesia waxaa laga xaqiijiyay xaalado cusub oo coronavirus oo dhan 1,462 waxayna hadda tirada guud tahay 83,130 sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee wadankaas.
Maanta oo Jimco ah dhimashada ka dhalatay cudurka COVID19 ee Indonesia waxaa ku korortay 84 waxayna gaartay 3,957 sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo lagu magacaabo Achmad Yurianto .
Wadanka Filibiin waxaa laga diiwaangeliyay 17 xaaladood oo coronavirus oo hor leh iyo dhimasho cusub oo gaaraysa 1,841.
Kiisaska ugu badan ayaa lagu arkay caasimadda dalkaas ee Manila.
Wasaaradda caafimaad ee wadankaas ayaa dhimashada guud ku sheegtay 1,660 halka kiisaska ay marayaan 63,001.
Cudurka COVID19 ayaa guud ahaan caalamka ku haleeyay in ka badan 13.7 milyan.
Waxaa ka caafimaaday 7.7 milyan oo bukaan ah halka ugu yaraan 588,000 qof ay dunida ugu dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here