Kiisaska coronavirus ee India oo kor u dhaafay 100 kun

Dalka Hindiya

Tirada kiisaska la xiriira caabuqa Corona ee laga diiwaangeliyay gudaha wadanka India ayaa ka sare martay 100,000.
24-kii saac ee la soo dhaafay India waxaa laga soo tabiyay xaalado cusub oo dhan 4,970 .
Tani ayaa tirada guud ee ilaa iyo hadda la xaqiijiyay ka dhigaysa 101,139.
Dhimashada ka dhalatay cudurka Covid-19 ee gudaha India waxaa ku kordhay 134 waxayna hadda tahay 3,163.
Maalinkii Axadda ayay dowladda dalka India kordhisay mudada xayiraad wadankaas lagu soo rogay oo sii jiraysa ilaa 31-da bishan shanaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here