Kiisaska coronavirus ee India oo kor u dhaafay 9 milyan

Wadanka India waxaa laga xaqiijiyay in ka badan 45,000 oo ah xaalada cusub ee cudurka COVID-19.
Wasaaradda caafimaadka ee wadankaas ayaa laga soo xigtay in tirada guud ee kiisaska caabuqa corona ay yihiin ugu yaraan 9 milyan.
Sidoo kale 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay waxaa gudaha India cudurka ugu dhintay 584 qof oo dheeraad ah.
Tani ayaa dhimashada guud ee ilaa iyo hadda halkaas laga diiwaangeliyay ka dhigaysa 132,162.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here