Kiisaska coronavirus ee India oo ku dhow hal milyan

Xaaladaha fayraska corona ee dalka India ayaa ah ku dhawaad hal milyan kaddib markii kiisas cusub la diiwaangeliyay.
Waxaa halkaas laga xaqiijiyay 32,696 oo xaalado dheeraad ah.
Tirada guud ee kiisaska cudurka COVID-19 ee India ayaa hadda ah 968,876 halka dhimashadu ay marayso 24,915 sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka.
India oo ay ku nool yihiin 1.3 bilyan oo qof ayaa ah dalka saddexaad ee laga soo tabiyay kiisaska ugu badan ee caabuqa coronavirus marka laga soo tago Maraykanka iyo Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here