Kiisaska coronavirus ee Jarmalka oo gaaray 250,799

Gudaha dalka Jarmalka ayaa laga xaqiijiyay xaalado cusub oo coronavirus oo dhan 814 .
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska cudurka COVID19 ee halkaas ka dhigtay 250,799.
Sida laga soo xigtay machadka dabagalka ku sameeya cudurrada faafo ee RKI ee Jarmalka lama soo tabin dhimasho cusub waxayna hadda dhimashada guud tahay 9,325.

Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee dalka Filibiin ayaa maanta xaqiijisay kiisas cusub oo COVID19 oo dhan 1,383.
Tiradan ayaa lagu sheegay midii ugu yareyd ee si maalinla ah loo diiwaangeliyo ku dhawaad 8 isbuuc.
Waxay wasaaraddu sheegtay inay cudurka u dhinteen 15 qof oo dheeraad ah oo ay hadda dhimashada guud tahay 3,890 halka tirada guud ee kiisaska coronavirus ee Filibiin ay tahay 238,727
Dalka Indonesia waxaa laga xaqiijiyay xaalado cusub oo gaaraya 2,880 iyo dhimasho hor leh oo ah 105.
Tirada guud ee xaaladaha cudurka COVID19 ayaa hadda ah 196,989, halka dhimashadu ay gaartay 8,130.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here