Kiisaska Coronavirus ee Jarmalka oo kordhay

Kiisaska cusub ee la xiriira caabuqa Coronavirus eel aga diiwaangeliyay gudaha dalka Jarmalka ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen 2,486,
Machadka RKI ayaa sido kale shaaciyay in dhimashada ay ku darsantay 285.
Tirada guud ee kiisaska fayraska ee ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay Jarmalka ayaa ah 127,584.
Waxay tani micnaheedu tahay in kiisaska maalinlaha ee la soo tabiyay ay kordheen kaddib afar maalmood oo ay hoos u dhacayeen.
Ilaa iyo hadda 3,254 qof ayaa Jarmalka ugu dhimatay cudurka Covid-19 ee dunida saameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here