Kiisaska coronavirus ee Jarmalka oo la saadaalinaya inay kordhaan

Dowladda dalka Jarmalka ayaa sheegtay inay suurtagal tahay in kiisaska maalinlaha ee caabuqa corona ee halkaas laga diiwaangelinaya ay gaaraan 20,000.
Wasiirka dhaqaalaha ee Jarmalka Peter Altmaier ayaa sheegay inay la tacaalayaan sare u kac aan la fududeysan Karin.
Waxaa uu sheegay in xaaladaha caabuqa marka loo barbardhigo toddobaad ka hor ay kordheen boqolkiiba 70-75 tan oo sababi karto in la soo saaro xayiraado dheeraad oo saameyn karo wax soo saarka dalkaas.
Maanta oo Talaado ah waxaa gudaha Jarmalka laga xaqiijiyay xaalado cusub oo COVID19 oo dhan 11,409.
Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel iyo madaxda 16-ka gobo lee dalkaas ayaa lagu wadaa in ay berri kulan yeeshaan.
Waxay ka wada hadli doonaan tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xakameyn karo faafitaanka caabuqa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here