Kiisaska coronavirus ee Jarmalka oo sii kordhay

Kiisaska caabuqa coronavirus ee dalka Jarmalka ayaa waxaa ku kordhay 685.
Machadka dabagalka ku sameeya cudurrada faafa ee RKI ayaa sheegay in ilaa iyo hadda gudaha wadankaas laga xaqiijiyay xaalado gaaraya 163,860.
Sido kale waxaa sare u sii kacday dhimashada ka dhalatay cudurka Covid-19 waxayna gaartay 6,831 kaddib markii la diiwaangeliyay 139 kiis oo ah dhimasho hor leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here