Kiisaska coronavirus ee laga xaqiijiyay Jarmalka oo kordhay 1,639

Waxaa sii kordhay tirada kiisaska la xiriira caabuqa coronavirus ee laga xaqiijiyay dalka Jarmalka iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay la diiwaangeliyay 1,639 .
Tani ayaa tirada guud ka dhigaysa 160,758.
Macluumaadka machadka dabagalka ku sameeya cudurrada la isku gudbiyo ee (RKI) ayaa muujinaya in sido kale la diiwaangeliyay kiisas dhimasho oo dhan 193 waxayna tirada dadka ee ilaa iyo hadda cudurka Covid-19 ugu dhintay gudaha jarmalka tahay 6,481 qof.
Thailand waxaa laga soo tabiyay 6 kiis oo cusub waxayna tirada guud gaartay 2,960 hasa ahaate dhimashada ayaa weli ah 54.
Guud ahaan caalamka kiisaska coronavirus ee la xaqiijiyay ayaa kor u dhaafay 3.25 milyan.
Waxaa cudurka dunida ugu dintay 232,000 oo qof halka ay ka bogsadeen in ka badan hal milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here