Kiisaska Coronavirus ee Ruushka oo kor u dhaafay 200,000

Maamullada caafimaadka ee dalka Ruushka ayaa sheegaya inay 24-kii saac ee la soo dhaafay diiwaangeliyeen xaalado cusub oo la xiriira caabuqa coronavirus kuwaasoo gaaraya 11,012.
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska halkaas laga xaqiijiyay ka dhigaysa 209,688.
Sido kale waxaa dhintay 88 qof oo dheeraad ah ilaa iyo hadda waxaa gudaha Ruushka cudurka Covid-19 ugu nafwaayay 1,915.
Dowladda Spain waxay tan iyo bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan diiwaangelisay dhimashadii ugu yareyd ee maalinla ah oo gaaraya 143.
Maalin ka hor dhimashada waxay ahaydc 179 sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka
Dhimashada ka dhalatay cudurka covid-19 gudaha Spain oo horay ahayd 26,478 ayaa hadda gaartay 26,621.
Kiisaska guud ee Coronavirus oo ahaa223,578 waxay hadda marayaan 224,390 .
Dalka Filibiin waxaa laga soo tabinaya xaalado cusub oo ah 184 iyo dhimasho hor leh oo dhan 15 .
Tirada guud ee kiisaska coronavirus ee wadankaas laga xaqiijiyay ayaa ah 10,794 halka dhimshadu ay gaartay 719.
Waxaa cudurka ka bogsaday 82 qof oo dheeraad ah tani oo tirada guud ee dalka caafimaadka gudaha Filibiin ka dhigaysa 1,9
Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta shaacisay in la xaqiijiyay kiisaska cusub ee caabuqa coronavirus oo gaaraya 34.
Tiradan ayaa lagu sheegay midii ugu badneyn ee bil gudaheed si maalinla ah loo diiwaangeliyo.
26 ka mid ah xaaladahan hor leh ayaa si maxalli ah la isugu gudbiyay halka 8-da kalena laga helay dad ka yimid dibadda wadankaas.
Xarunta Kuuriyada Koonfureed ee qaabilsan ka hor tagga iyo xakameynta cudurrada ee (KCDC) ayaa sheegtay in tiradan ay tahay midii ugu badneyn tan iyo 9-kii bishii afaraad.
Xukuumadda Seoul ayaa dhanka kale soo saartay amar shaqeynaya habeenkii oo si ku meel gaar ah loogu xiraya goobaha madadaalada.
Madaxweynihii hore ee Maraykanka ,Barack Obama ayaa hoggaamiyaha hadda talada haya ee dalkaas Donadl Trump ku dhaliilay qaabka uu u maareynayo caabuqa.
Waxaa uu ku tilmaamay musiibo jahwareer laga dheehan karo.
Guud ahaan caalamka waxaa cudurka covid-19 u dhintay in ka badan 279,000 qof
Dadka uu sameeyay caabuqa waxay tiradoodu ka sare martay 4 milyan halka in ka badan 1.3 milyan ay ka bogsatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here