Kiisaska Coronavirus ee Rwanda oo 60 gaaray

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Rwanda ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda gudaha wadankaas laga xaqiijiyay 60 kiis oo ah kuwa caabuqa Coronavirus.
Tirada ayaa sare u sii kacday kaddib markii shalay Rwanda ay diiwaangelisay 6 kiis oo dheeraad ah.
Dadka shalay cudurka Covid19 laga helay ayaa isugu jiro afar qof oo safar uga soo laabtay magaalada Dubai ee dalka isu tagga imaaraadka carabka , mid ka yimid Maraykanka iyo qof la macaamilay bukaan uu horay xanuunka u saameeyay.
Bayaanka wasaaradda caafimaadka ee Rwanda waxaa sido kale lagu xusay in shakhsiyaadkan hadda la daaweynaya oo aynan xaaladooda caafimaad liidan.
Sido kale waxaa lagu raad joogaa cid kasta oo xiriir la sameysay dadka uu ilaa iyo hadda cudurka Covid19 eoo ritay.
Dhanka kale waxaa isla shalay sii korortay tirada kiisaska Coronavirus ee dalka Uganda kaddib markii la soo tabiyay 7 kiis oo dheeraad ah taasoo tirada guud ee halkaas lagu arkay ka dhigaysa 30.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here