Kiisaska Coronavirus ee Rwanda oo sii kordhay

Waxaa sare u sii kacay tirada kiisaska la xiriira caabuqa Coronavirus ee ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay gudaha wadanka Rwanda.
Tirada ayaa gaartay toban iyo toddobo kaddib markii dowladda wadankaas ay sheegtay in la diiwaangeliyay xaqiijinta lix kiis oo dheeraad ah.
Wasaaradda caafimaadka ee Rwanda ayaa sheegtay in lixdaan mid kamid ah ay tahay haweeney 30 jir ah oo u dhalatay dalka Faransiiska iyo cunug ay dhashay oo 10 biood ah waxaana horay ninkeeda looga helay cudurka.
Kiisaas kale oo la xaqiijiyay ayaa kala ah nin udhashay dalka Rwanda oo ka soo safaray dalka isu taga Imaaraatka kaas oo 32 jir ah iyo nin u dhashay dalka Swedan kaas oo 3-dii bishaan kaa soo dagay garoonka diyaaradaha ee Kigali iyo laba nin oo u dhalatay dalka Rwanda ku waas oo da’adooda lagu sheegay 32m jir iyo 24 jir.
Gudaha Rwanda ayaa kiiskii ugu horreeyay ee Coronavirus laga xaqiijiyay 14-kii bishan wuxuuna ahaa qof u dhashay India
Dhanka kale dowladda Zimbabwe ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee caabuqa Corona ee lagu arkay Gudaha dalkaasi,xilli horay dalal badan oo ka tirsan Afrika looga helay Cudurka Coronavirus.
Wasiirka Caafimaadka dalka Zimbabwe, Obadiah Moyo ayaa xaqiijiyay in ka yimid dalka Ingiriska laga helay, kaasoo dalka Zimbabwe gaaray 15-kii bishan.
Waxaana da’adiisu lagu sheegay 38 sano jir
Waxaa haatan lagu haaya goob gaar oo lagu karantiilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here