Kiisaska Coronavirus ee Rwanda oo sii kordhay

Waxaa sare u sii kacay tirade kiisaska la xiriira caabuqa Coronavirus ee ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay gudaha wadanka Rwanda.
Tirada ayaa gaartay toddobo kaddib markii dowladda wadankaas ay sheegtay in la diiwaangeliyay xaqiijinta laba kiis oo dheeraad ah.
Wasaaradda caafimaadka ee Rwanda ayaa sheegtay in labadan qof ay kala yihiin haweeney muwaadin oo 32 sano jir ah oo horay ninkeeda looga helay cudurka.
Qofka labaad ayaa ah nin dhalasho ahaan ka soo jeedo Jarmalka oo 61 sano jir ah.
Ninkan ayaa Rwanda yimid 13-kii bishan saddexaad xilligaas oo uu ka soo safray Jarmalka isagoo soo maray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Gudaha Rwanda ayaa kiiskii ugu horreeyay ee Coronavirus laga xaqiijiyay 14-kii bishan wuxuuna ahaa qof u dhashay India

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here