Kiisaska coronavirus ee Shiinaha oo kor u dhaafay 84,000

Xaaladaha cudurka COVID19 ee laga diiwaangeliyay gudaha dalka Shiinaha ayaa gaaray 84,385 kaddib markii la shaaciyay 49 oo kiisas hor leh ah.
Guddiga qaran ee caafimaadka ee wadankaas ayaa sheegay in hal maalin ka hor la xaqiijiyay 45 xaaladood oo cusub.
Kiisaska cusub 30 ka mid ah waxaa laga helay gobolka galbeed ee Xinjiang, saddex waxaa lagu arkay gudaha gobolka Liaoning halka 16-ka kale lagu arkay dad dhawaan ka yimid safarro ay ku tageen dibadda Shiinaha.
Dhimashada guud ee ka dhalatay cudurka COVID-19 ee Shiinaha ayaa hadda ah 4,634.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here