Kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya oo ku dhow 3,000

Kiisaska xanuunka COVID-19 ee dalka Soomaaliya ayaa kusii dhowaanaya 3 kun oo kiis, iyadoo dhimashadu ay ka badan tahay 90.
Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, tiradii ugu dambeysay ee dowladda ay sii dayso ayaa muujineysa in cudurka laga helay 2997 qof, halka 92 qofna ay u dhinteen.
Dr Maxamed Maxamuud Fuje oo kamid ah Dhaqaatiirta la Shaqeysa Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19 ayaa sheegay in Cudurka uu xilligaan ku badan yahay dhalinyarada oo si caadi ah isku dhexmaraya dowladana sababe dhaqaale aawgeed aysan dadka guryaha ku celin karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here