Kiisaska CoronaVirus oo dalka Hindiya ka sare maray Shiinaha

Xaaladaha coronavirus ee dalka India ayaa ka sare maray kuwa laga diiwaangeliyay Shiinaha .
Wasaaradda caafimaadka ee wadankaas ayaa xaqiijisay
85,940 oo kiisas ah iyo dhimasho dhan 2,752 .
Maamulka ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi ayaa lagu wadaa inuu maanta ilaa berri shaaciyo go’aan ku aaddan in la kordhinayo xayiraadda dhanka dhaqdhaqaaqa ee wadankaas ka jirtay 54 maalmood.
Shiinaha waxaa laga soo tabiyay kiisas gaaraya 82,933 iyo dhimasho ah 4,633 .
Waxaa iscasilay wasiirkii caafimaadka ee dalka Brazil Nelson Teich wax ka yar hal bil oo uu xilka hayay.
Golaha wakiillada ee Maraykanka waxaa uu ansaxiyay hindise sharciyeed gargaarka la xiriira oo lagu bixinata 3 tiriliyoon oo doolar .
Sida ay ku warramayso warbaahinta Fox news ,madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu soo celiyo qeyb ka mid ah lacagihii dalkaas uu ugu deeqi jiray hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
Dowladda dalka Australia ayaa billowday inay qafiifiso xayiraad dhanka isku socodka ah oo jirtay laba bilood.
Qeybo badan oo wadankaas ka mid ah waxaa dib u furmay maqaayadaha iyo goobaha lagu caweeyo.
Madaxa ururka dhakhaatiirta ee wadankaas Tony Bartone ayaa shacabka ugu baaqay inay taxaddar muujiyaan.
Waxaa uu xusay in hadii ay sameeyaan waxyaabo aan wanaagsaneyn ay Meesha ka baxayaan guulihii laga gaaray xakameynta faafitaanka caabuqa.
Australia waxaa laga diiwaangeliyay kiisas ka badan 7,000 iyo 98 dhimasho ah.
Dowladda Talyaaniga ayaa sido kale fududeynaysa xayiraado dhanka socdaalka ah oo horay loo soo saaray si loo xakameeyo faafitaanka coronavirus.
Laga billaabo 3-da bisha lixaad waxaa shacabka wadankaas loo ogolaanaya inay u kala gooshaan sido kalena ku dhex socdaan gobollada .
Dikreetada dowladda Talyaaniga ayaa sido kale marka taariikhdaas la gaaro fasaxaysa duulimaadyada caalamiga ah ee lagu soo galo ama looga baxo dalkaas .
Guud ahaan caalamka waxaa uu caabuqa coronavirus saameeyay in ka badan 4.5 milyan oo qof.
Ugu yaraan 306,000 oo ruux ayaa u dhimatay cudurka uu fayraskan sababo ee covid-19 waxaana ka bogsaday qiyaastii 1.6 milyan oo qof sida laga soo xigtay jaamacadda John Hopkins.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here